Isco oo Real Madrid u gudbiyay codsi ka tegista kooxda ah, iyo sababta oo uu caddeeyay!

0
272

Xiddigga Real Madrid khadka dhexe kaga ciyaara ee Isco ayaa waxa uu ogeysiiyay maamulka kooxda inuu doonayo in la fasaxo.

Laacibka kubbad sameeyaha ah ayaa waxa uu ku dhibtoonayaa sidii uu ula shaqeyn lahaa macallinka Los Blancos ee Santiago Solari.

Tababaraha Argentina kasoo jeeda ayaanan jecleysan qaab ciyaareedka xiddiggan taasi oo keentay inuu kursiga keydka la beegsado.

Taasi waxa ay gadood gelisay xiddigga reer Spain, kaasoo doonaya inuu si joogto ah u ciyaarro, waxaana hormuud ay u noqotay in mustaqbalkiisa shaki weyn uu galo.

26-jirkan ayaa xiiso ka helaya kooxo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Juventus iyo Manchester City.

Waxa uu hadda maamulka kooxda Real Madrid ka dalbaday in kooxda laga fasaxo haddii uu kooxdan maamule usii ahaanayo tababaraha hadda leyliya ee Santiago Solari.

Isco ayaa horraan sheegay inuu u dagaallami doono booskiisa, isla markaasna uu sii joogi doono Bernabeu, balse hadda waxa uu u muuqdaa mid ka rajo ka dhigay ka hoos ciyaarista Macallin Solari.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan