Inter oo laba shardi Perisic kaga iibin karta Manchester United!

0
294

Wararka ka imaanaya dalka Italy ayaa waxa ay sheegayaan in Manchester United ay kusoo laabatay doonista iyo baacsiga weeraryahanka Inter Milan ee Ivan Perisic.

Xiddiggan garabka ka ciyaara ayaa ka mid ah xiddigaha United bartilmaameedka u ahaa sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo la xasuusto in xagaagii aynu kasoo gudubnay uu si aad ah ugu dhowaaday ku biirista Old Trafford.

Inter ayaa ogeysiisay dhiggeeda Manchester United qiimaha ay xiddigan ku iibiniyaan bishan January, maadaama Red Devils ay hadda doonayaan inay la saxiixdaan inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Lacag dhan €40m oo u dhiganta £35m ayaa Nerazzuri ay dul dhigtay madaxa laacibka reer Croatia.

Waxaa sidoo kale ay qorsheynayaan in ay kooxda Old Trafford ka dhisan kala hadlaan in heshiis is dhaafsi ay kaga qaataan Anthony Martial.

Atletico Madrid ayaa sidoo kale ciyaaryahankan xiiseyneysa adeeggiisa, iyafoo diyaar u ah inay dagaal dhanka suuqa ah u galaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan