Rasmi: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Higuain, Miyuu Ciyaari doonaa Kulanka Tottenham.

0
236

Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea Ayaa Ugu Dambeyn Ku Dhawaaqday Saxiixa Weeraryahanka Reer Argentina Kasoo Ay Qaab Amaah Kaga Soo Qaateen Kooxda Juventus.

Chelsea ayaa Haatan Bixisay 9-Milyan Ayagoo xagaaga Marki Lagaaro bixin Doonaa 36-milyan markaasoo ay si Joogta ah Ula Wareegi Karaan Conzalo Higuain.

Sarri Iyo Higuain Ayaa Markale Dib ugu Midooway kooxda Chelsea Waxayna Hore Kaga Soo Wada Shaqeeyeen Kooxda Napoli Markaas oo Higuain Dhaliyay 36-gool.

Sarri Ayaa ka Hadlay ka Hor Kulanka Beri Xaalada Higuain Iyo Sida ay kooxdooda u Aragto Soo Qaadashadiisa.

“Higuain Waa Weeraryahan Xoogan Kasoo Wacdaro Badan Sameeyay Intii Aan Wada SHaqeeneenay Waxaan rajeynayaa in uu Wax BAdan naga Caawiyo”

Sido Higuain Ayaa Shegay Isna Dhankiisa In uu Ku Faraxsan yahay Ku Soo biiritaanka Kooxda Chelsea.

“Aad ayan Ugu Faraxsanahay In Aan Halkaan Imaado Waana Sugaayay In Aan Markale la Shaqeeyo Sarri oo Ah Macalin aan aad u jeclahay”

“Halkaan Aniga ayaa doortay waana sababta aan u imaaday waxaan joogo xidigo awood badan kubaas oo aan caawin karo sido kalan i caawin kara”

Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Habeen Dambe ee Tottenham:

Higuain Ma Ciyaari doono kulnka Chelsea Iyo Tottenham ee Kulanka Labaad ee Tartanka EFL-Cup-ka Sida Uu Sarri Ku Sheegay Shirkiisa Jaraa’id.

“Higuain Ma Ciyaari karo kulnka habeen dambe Maxaa Yeelay waxa uu ka Soo Dib Dhacay Xilliga aan gudbineenay liiska ciyaartooyda”.

Chelsea ayaa Gudbisay Liiska Xidigaheeda 12:00pm GMT geeska Africa Waxay ka Noqoneysaa 3:00pm oo Galabnimo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan