Miyuu Emiliano Sala Geeriyooday Mise Weli Waa Uu Nool Yahay, Wax Ka Ogoow Xaaladiisa Iyo Waxa Laga Soo Sheegay.

0
407

Emiliano Sala ayaa loo badinaa inuu geeriyooday madaama la helay cod fariin WhatsApp oo uu saaxiibadiis u sheegayo in diyaarada bur buri rabto halis weyna ku jiro.

Sala kooxda Cardiff City dhawaan ayay soo iibsadeen waana cayaaryahanka ugu qaalisan ay soo gataan 15m pound ayay naadiga Nantes kaga soo qaateen balse weli uma cayaarin.

Sala ayaa Jimcadii Cardiff tijaabo caafimaad u maray wuxuu dib ugu laabtay France inuu saaxiibadiisa kooxda Nantes soo macsalaameeyo.

Soo laabashadiisa diyaarad gaar ah ayuu soo raacay waxaana la waayay Kanaal-ka u dhaxeeyo France iyo UK ilaa haatana nolol geeri laguma haayo.

Waxaa lagu Tirinayaa in uu Geeriyooday marba haddii WhatsApp ugu dambeeyay maqal ahaan kusoo diray ku sheegay in diyaaradiisa kala dhantaalmi rabto jawi xunna ku jiraan!

Si Toos Ah Looma Xaqiijinin weli Balse qaxay U Badan Tahay In Uu Dunida ka Tagay Sala.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan