Christensen, Mustafi Iyo Shan Daafac Oo Ay Juventus Usoo Qaadanayso Baddalka Mehdi Benatia.

0
262

Daafaca Juventus Medhi Benatia ayaa lagu soo warramayaa in uu isaga dhaqaaqayo kooxda lagu naynaaso Medhi Benatia.

Xidiga heerka caalami ee reer Morocco ayaa ku dhibtoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxdiisa.

Tuttosport ayaana ku warramaysa in Old Lady ay go’aan ku gaari doonto in ay iska iibiso suuqa jiilaalka.

Bixitaanka Benatia ayaa kooxda ku ciyaarta maaliyadda cadaanka iyo madawga ku qasbi doonta in ay suuqa ka raadiso baddalkiisa.

Kooxda Serie A ayaana lagu soo warramayaa in ay ka war dooni doonto suurta galnimada ay ku heli karto daafacyada Arsenal Sokratis iyo Mustafi iyo  daafaca Chelsea Christensen.

Si lamid ah Tuttosport ayaa intaas kudaraysa in daafaca West Ham Angelo Ogbonna uu yahay mid kale oo raadinayso Juventus sidoo kale kooxda Allegri ayaa doonaysa daafaca Schalke Matija Nastasic.

Shantan daafac ee aan kor kusoo xusnay ayay Juventus midkood u aragtaa baddalka Mehdi Benatia kaas oo qarka u saaran in uu ka dhaqaaqo Juve.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan