Rasmi: C.Ronaldo Oo Garka Loo Geliyay 23-bilood oo Xabsi ah Iyo 17-Milyan Ganaax Lacageed ah, Xunka Ronaldo Iyo Sheega walba oo aad ugu baahan Tahay.

0
227

Xidiga kooxda Kubada Cagta Ee Juvantus Ronaldo ayaa Shalay ka soo Muuqday Maxkamad Ku Taala Dalka Spain Caasimadiisa Madrid si Uu U Dhageesto Ganaaxa Dacwad Muddo Kaga Socotay.

Maxkamada Ayaa Ronaldo Marka Hore Ku Soo Eedeesay in uu lunsaday canshuuro waajib ku ahaa in uu bixiyo intii u dhaxeysay 2011 Ilaa 2014.

Waxaa lagu sheegay lacagaha Uu Lunsaday in Ay Gaarayaan Cadad ahaan €14.7M oo Dhiganta $17m Oo Lacagta Dollarka ah.

Ronaldo ayaa Real Madrid kaaga soo Biiray kooxda Man United sanadii 2009-kii markaas oo uu noqday xidiga Ugu Qaalisanaa ee Kubada Lagu Kala Iibsaday.

Shalay ayuu maxkamada Si Toos ugu soo Hor Muuqday Asagoo Dhageestay Dacwadii loo Heestay Iyo Waxa uu Noqonaayo Ganaaxiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa Ugu Dambeyn aqbalay ganaax €18.8m inuu bixiyo canshuur uu la dhuuntay xiligii uu Spain joogay wuxuuna lacagtaan ku badashay xabsi 23 bilood ah.

Hadii aan sii Bayaaniyo Ronaldo Ayaa Marki Hore waxaa Lagu Xukumay 23-bilood oo xabsi ah oo la iibsan karo waxa uuna Doortay in uu iibsado xabsiga sidaasi dartee waxa uu bixin doonaa €18.8m.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan