Hazard Oo Sheegay In Uusan Marnaba Ka Tagin Doonin kooxda Chelsea Uuna Qandaaaska u Kordhinaayo kooxdiisa.

0
270

Laacibka Xulka Qaranka Belgiumka Iyo Kooxda Chelsea ayaa Jamaahiirta Kooxda Chelsea Niyada U Dhisay isagoona Sheegay in uusan Marnaba Ka tagin doonin kooxda Chelsea.

“haa waxan rabay in aan baxo markii uu koobka aduunka soo dhamaaday, balse waxaan ku qancay in aan sii joogo kooxeyda”

“Durba waxaan ku bilaawday si wanaagsan xilli ciyaareedkaan waxaana rajeynayaa in aan sii wado qaabka aan ku hor marin lahaa kooxdeyda, wax walbo halkaan ayan ku heestaa”

Sido Kale Eden Ahazard ayaa Wax Lahga Weydiyay Sida uu u arko in uu ku guuleesto Ballon D’or hadii Halkaan Sii joogo

” Waan Ku Guuleestay Ballon D’or Weliba Sedex xabo ayaa guriga ii taalo kkkkkk” Qosolna waa uu raaciyay Sida Ay Saxaafada u Fasirtay Sedexda Ballon D’or ee u taala Hazard waxa uu kala Jeedaa Sedexda Caruur ee uu aabaha u yahay.

” Ma Jirto koox Ka Weyn Chelsea Mana Jirto Meel Aan ku Dooran Karo, Waxaa Jiro Wada Hadal Waana Rajeynayaa in aan Qandaraaska cusub Saxiixo” Ayuu sheegay Hazard oo Berayahaan Shaki La Gelinaaye Mustaqbalkisa Kooxda Chelsea.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan