Martial oo Ku Dhow In Uu Qandaraaska u Kordhiyo Kooxdiisa Man United.

0
154

Kooxda Kubada Cagta Ee Man United Ayaa Kalsooni buuxda ku qabta in xidigooda Anthony Martial uu U Saxiixi doono shiis waqti Dheer Sida Ay Warineysa Majalada ESPN.

Sida lawada ogaa Martial ayaa Bilaawgi xagaagaan iska diiday in uu hishiis u saxiixo kooxdiisa United Maadama uu hishiiskiisa ku egyahay Dhamaadka sanada 2020-ka.

Isku Dhac xoogan oo kala Dhaxeeyay Asiga Iyo Macalinkii La Ceyriyay Ee Jose Mourinho ayaa Sabab U Ahaa in uu xidiga reer France iska Diido hishiis Kordhinta Balse haatan waxa uu u muuqdaa mid saxiixi doono qandaraas cusub.

Kooxda United ayaa soo kabasho sameesay tan iyo markii ay isbadal macalin ku sameeyeen Kooxdooda waxayna Ku Naaloonayaan guulo is daba joog ah iyagoo aan weli wax qasaare ah la kulmin waayaha Soljear.

Martial Ayaa ka mid ah Ciyaartooyda muhiimka u ah macalinka ku meel gaar ee Man United Waxayna Maamulka kooxda Ku Dadaalayaan Qaabkii Hishiiska loogu saxiixi lahaa.

48-saac ee soo aadan ayay Man United ku soo idleen doontaa Hishiis Kordhinta wiilka Reer France ee Martaial.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan