Daafacan Katirsan Genoa Oo Xaqiijiyay In Paiatek Uu Kusii Jeedo AC Milan.

0
195

Daafaca kooxda Genoa Domenico Criscito ayaa shaaca ka qaaday in ay aad uga xunyihiin iny kooxdoodu waydo weeraryahanka hakista ah ee Piatek.

Daafacan oo hadlayay kadib guul darradii ay kooxdiisa kasoo gaartay AC Milan ayaa sheegay:

“Waxa aan soo bandhignay ciyaar wanaagsan balse waa aynu daalnay 20-kii daqiiqo ee u danbeeyay kulanka.

“Piatek? Aad ayay noogu adagtahay maxaa yeelay waxa uu dhaliyay kala bar goolasha aynu dhalinnay xilli ciyaareedkan.

“Isagu waa ciyaaryahan cajiib ah, waxaaxa qarka u saarannahay in ay aynu wayno, waxa aan rajaynayaa in ay kooxdu maareen doonto sii joogtiisa, balse aynu aragno waxa dhaca.”ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Criscito.

Piatek ayaa la aaminsanyahay in uu kooxda AC Milan kubiiri doono maalmaha soo aaaddan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan