Cristiano Ronaldo Oo Juventus Ka Caawinaya In Ay Gacanta Ku Dhigto Mercelo.

0
186

Juventus ayaa tan iyo markii ay suuqii xagaaga lasoo saxiixatay Cristiano Ronaldo doonaysay in ay kooxda keento daafaca bidix ee Real Madrid Mercelo.

Mercelo oo saaxiib dhaw la ahaa Ronaldo waqtigii ay ku wada sugnaayeen Santiago Bernabeu ayaa waqtigan xiriir wanaagsan lalahayn tababaraha Madrid Santigo Solari.

Si kastaba ha ahaatee, majalada AS ee laga aqristo isbaanishka ayaa baahisay in Ronaldo uu doonayo in Juventus ay lasoo saxiixato Mercelo.

Kabtanka Portugal ayaana daafaca Brazil ku qancinaya in uu usoo dhaqaaqo magaalada Turin, si uu markale uga garab ciyaaro.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan