Boateng “Waxa Aan Doonayaa In Aan Gool Ku Dhaliyo Bernabeu.”

0
257

Laacibkan ka ciyaara qadka dhexe ayaa xaqiijiyay in uu kusoo wajahanyahay kooxda ka ciyaarta LaLiga, isaga oo sheegay in uu gool2 ka ansixinayo Real Madrid.

Kevin Prince-Boateng ayaa carabka ku adkeeyay usoo dhaqaaqintaankiisa layaabka leh ee Barcelona.

Laacibkii hore ee kooxaha AC Milan, Shalke 04, iyo Sassoulo ayaana sidoo kale meesha kasaarin sida uu u doonayo in uu gool ka dhaliyo Clasico.

“Barca, Waan imaanayaa.”ayuu Boateng u sheegay Sky Sports. “Waan ka murugaysanahay in aan ka dhaqaaqo Sassuolo balse waa fursad wayn.”

“Ha i waydiin aniga wax ku saabsan Real Madrid, kaliya waxa aan doonayaa in aan diiradda saaro Barcelona..

“Waxa aan rajayanayaa in aan in aan gool ku dhaliyo Bernabeu marka lagaaro kulanka El-Clasico.”ayuu hadalkiisa kasuoo afmeeray Boateng.

Laacibka reer Ghana ayaa larajaynayaa in uu saacdaha soo aaddan kubiiri doono Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan