Barcelona Oo Xaqiijisay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Dembele.

0
254

Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona Ayaa Shaacisay Xiliga Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono Da’yarka Reer France ee Dembele Kasoo Dhaawac Ka Soo Gaaray Ciyaartii Xalay Ay Ciyaartay Barca.

Dembele Dhaawac soo Gaaray ayaa Dhabar Jab Ku Noqon Kara Guulaha Kooxda Barcelona Ay Berayahaan ku Raaxeesaneeso Maadama uu Qeyb Weyn Ka Qaatay Guulahaas.

Sida Ay Cadeesay Kooxda Barcelona Dembele waxa uu Maqnaan Doonaa Ilaa 15-maalmood oo u dhiganta 2-isbuuc waxa uuna Seegi doonaa Kulamo Badan Oo Muhiim ah.

Kulamada Muhiimka ah ee uu maqnaanaya waxaa ka mid ah Labada lug ee kooxda Savilla Ay La Leeyihiin ee Tartanka Copa Del Ray

Sido kale waxa uu maqnaan Doonaa Kulan ay La Leeyihiin Girona Iyo Midka Ay 2-Da Febraayo la Ciyaari doonaan Dhigooda Vallencia.

Barcelona Ayaa Dhibaato Ku Noqon Doontaa Midaan Balse waxay Doonayaan In ay Ka Maarmaab Inta Uu Maqan Yahay.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan