Arsenal oo si la yaab leh ugu dhaqaaqday xiddig ka tirsan A. Madrid, iyo Chelsea oo ka caawineysa saxiixiisa!

0
335

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa waxa ay si la yaab leh ugu dhaqaaqday weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Gelson Martins.

Gunners ayaa loollan adag la geli doonta kooxda AS Monaco, oo uu hadda macallin yahay laacibkoodii hore ee Thiery Henry.

Macallinka u dhashay France ayaa doonaya in Martins uu u dhaqaajiyo Ligue 1, sii uu kaga badbaado u laabashada horyaalka heerka labaad ee France.

Hase ahaatee, kooxdiisii hore ayaa kula dagaallameysa saxiixiisa, si ay ugu xoojiyaan safkooda weerarka.

Chelsea oo ay Arsenal ku xafiiltamaan horyaalka Premier League-ga iyo magaalada London ayaa waxa ay noqoneysa mid ka caawisa kooxda Unai Emery sidii ay ku heli lahayd garabka reer Portugal.

Atletico Madrid ayaa weeraryahankan suuqa dhigeysa si ay u hesho lacago ay ku dhammeystiraan, isla markaasna ay joogto kaga dhigaan saxiixa heshiiska weeraryahankan Chelsea ee Alvaro Morata.

Sidaas darteed, naadiga ka dhisan wuqooyiga London ayaa heli karta laacibkan ku fashilmay Wanda Metropolitano.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan