Tababare Allegri Oo Cristiano Ronaldo Ku Eedeeyay In Uu Sabab U Yahay Gool Dhalin Yarida Paulo Dybala.

0
360

Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus Massimiliano Allegri ayaa caddeeyay in sababta kadanabysa goolal yarida Paulo Dybala ay tahay imaatinka Cristiano Ronaldo.

Allegri oo saxaafadda lahadlayay kahor kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Chievo malinimada barito ah ayaa wax laga waydiiyay xaaladda Dybala.

Tababaraha ree talyaani ayaana aaminsan in xidiga Argentine uu bandhiggiisa gool dhalinta hoos u dhacay tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray CR7.

“Isagu waxa uu inoo yahay ciyaaryahan muhiim ah, waxaa had iyo jeer soo mara fursado uu gool ku dhalin karo.”ayuu yiri Allegri.

“Waxa uu dhalin jiray goolal badan inta uusan iman Ronaldo, Paulo waxa uu sameen karaa hormar, maalin walba waa in uu hore u qaadaa tallabo.”ayuu hadlkiisa kudaray Maxi Allegri

Paulo Dybala ayaa inta badan ku qancsaneen kooxda Juve tan iyo markii ay lasoo saxiixatay Cristiano Ronaldo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan