Ka dib Vela, Morata, Giroud iyo Stuani, waa kuma weeraryahankio ugu dambeeyay ee ay damacday Barcelona?

0
261

Tan iyo markii ay Barcelona iibisay Munir El Haddadi, waxaa kusoo shidmay toosh gaduudan oo ah baahi weeraryahan.

Luis Suarez ayaa ah weeraryahan dhexe oo ay Barca heysato, waxaana xusid mudan in qudhiisa uu ku jiro waayihiisii ugu dambeeyay ee kooxda Camp Nou ka dhisan.

Inkastoo xillo ciyaareedkan uu wacdaro ka dhigayo La Liga, haddana waxaa ku yimid hoos u dhac badan oo dhanka tayada goolasha ah iyo awoodda jir ahaaneed.

Tii oo ay jirto in dhaawac dhanka jilibka ah uu dillooday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u dhaqaaqday Barcelona sidii ay kula soo saxiixan lahayd weeraryahan cusub, kaasoo beddel u noqda Suarez, ama keyd u noqda.

Carlos Vela, Olivier Giroud, Alvaro Morata iyo Christian Stuani ayaa dhammaantood bartilmaameed u ahaa kooxda Macallin Ernesto Valverde.

Waxaa hadda lagu soo warramayaa in Barcelona ay xiiseyneyso weeraryahankii hore ee Villarreal, Cedric Bakambu.

Xiddiggan kasoo jeeda DR Congo ayaa hadda ka tirsan kooxda Beijing Sinobo Guoan ee horyaalka Chinese Super League, waana ciyaaryahanka saddexaad ee ugu mushaarka badan horyaalka China.

Ernesto Valverde ayaa si wanaagsan u yaqaanna xiddiggan, kaasoo Villarreal u dhaliyay 32 gool oo La Liga ah, 75 kullan oo uu u ciyaarray.

Waxaa sidoo kale uu hadda ku jiraa qaab ciyaareed aad u sarreeya, isagoo gool dhaliye la isku halleyn karo kusoo baxay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan