Alvaro Morata Oo Qarka U Saaran In Uu Kubiiro Atletico Madrid, Iyo Seddex Saxiix Oo Suura Gal Ah Marka Uu Si Rasmi Ah Ugu Dhaqaaqo LaLiga.

0
245

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid ay maalmaha soo aaddan ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto saxiixa Alvaro Morata.

Weeraryahanka Spain oo sidoo kale lala xiriirinayay Milan, ayaa la aaminsanyahay in uu u saxiixi doono Los Rojiblancos.

Kadib maamla fasax ah oo uu ku qaatay caasimadda Spian laacibkii hore ee Juventus ayaa LaLiga u dhaqaaqu doona bilawga asbuuca soo aaddan.

Dhaqaaqidda Morata, ayaana suurtavgal kadhigi doonta in Chelsea ay gacanta kudhigto Gonazalo Higuain, halka Milan ay qaadan doonto weeraryahanka Genoa Krzysztof Piątek.

Wararka ayaana intaas kudaraya in weeraryahanka Crotia, Nikola Kalinic oo qaab amaah ah ugu biiri doono kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Monaco.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan