wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

0
308

Waraka Xanta ee BBC: Morata, Higuain, Wilson, Skirinair, Willian, Llorante, Babel, Alba, Dacoure, Suarez, Ozile   iyo wararka ugu waaweyn ee xanta maanta la Qoraayo.

Bournemouth oo Shaacisay Qiimaha lagu helaayo Wilson:

Bournemouth  ayaa shaaca ka qaaday qiimaha lagu heli weraryahanka ay kooxda Chelsea ku raadjoogto ee Callum Wilson kasoo ay u arkaan badalka Morta, Callum Wilson waxaa haatan ay ku qiimeyneesaa kooxdiisa aduun lacageed gaaraya £75m oo gini waxay 25-jeer ku jibaarantaa in ay iyaga ku soo iibsadeen sanadoo 2014-kii  (Star)

Wolves oo Diyaar u ah soo qaadashada Wilson:.

Kooxda Wolves ayaa Chelsea kula dagaalameysa soo qaadashada Wilson oo ka tirsan kooxda Bournemouth, Wilso Ayaa Xagaagaan Dhaliyay 10-gool Kulamada uu saftay kooxdiisa(Birmingham Mail)

Chelsea Dib u soo iibsan dootna Ake:

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dib u soo ceshtaan xidiga reer Holland ee Nathan Ake kasoo ka tirsan kooxda Bournemouth, daafacaan ayay Chelsea ku heli karaan aduun lacageed gaaraya 40-milyan oo bound taasoo ah qiimaha ay ku hishiiyeen Labada koox markii uu labo sano ka hor ku biiraaye kooxda Bournemouth(Sun)

Macalinka Kooxda Inter Oo Digniin U Diray Kooxaha Doonaya Skriniar:

Inter Macalinkeeda Luciano Spalletti Ayaa Sheegay In Aysan Iska Diri Doonin Wiilka Wacadaraha Sameenaayo Ee Skriniar, “Aad ayan Uga Xumahay Ma Iibin doono Xidigeena, iib Ma ahan Skriniar” ayuu Si Toos u Sheegay Macalinka Inter (Mirror).

Chelsea Oo Weli Wada Hadal Kula Jirto Higuin:

Kooxda Chelsea ayaa weli Qorshaheeda ku aadan Soo Qaadashada Higuain sii xoojineysa Tasoo Diyaar u ah Inay Soonqaataan Maalamaha soo aadan, Higuain Ayaa Loo Badina in kulankiisa ugu dambeeyo uu yahay midka ay la ciyaari doonaan kooxda Juventus ee Finalka Supper Coppa.

Doucoure ” Waan Baxayaa Aniga”

Cidaga reer France ee Qadka Dhexe kaga Ciyaara Kooxda Watford Ayaa Sheegay in uu Ka Tagi doono kooxdiisa waxa uuna rajeynayaa in uu sida ugu dhaqsiyaha ugu biiro kooxaha waaweyn ee xiiseenaya, ” wax hishiis ah lama aanan gali kooxda Psg Balse waxaan doonayaa in aan ku biiro kooxo wa weyn, waxaan isku dayi doonaa watford in aan gaarsiiyo meesha ugu sareysa”

Spurs oo Lumin Doonta Llorente:

Wararyahanka kooxda Spurs Fernando Llorente ayaa diirada u saaran ku biiritaanka kooxda Barcelona tasoo weli raadineysa Badalka Suarez (Mundo Deportivo – in Spanish)

Willian Oo Doonaya In Uu Sii Joogo Kooxda Chelsea:

Ciyaariyahanka Reer Brazil Ayaa Shali Weyn La Gelinaaye Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea Iyo In Uu Sii Joogi Karo Tan Iyo Bilawga Xilli Ciyaareedkaan, Willian Oo 30-sano Jir ah Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Uu Diyaar U Yahay Ka Mid ahaanshiyaha Chelsea Isagoona Sheegay In Uusan Meel Uga Socon Kooxda Chelsea (Goal.com).

Babel oo Priemer League Ku soo Laabanaayo:

Laacibkii hore ee kooxda Liverpool Ryan Babel ayaa Qarka u Saaran ku Biiritaanka kooxda Fulham oo Epl-ka Ciyaarta, Hollandeskaan ayaa ka imaan doona Kooxda Reer Turki ee Besiktas (De Telegraaf – in Dutch)

Alba Oo Rajeynaya In Uu Sii Joogo Barca:

Daafaca Buuxa Ee Xulka Spain Iyo Kooxda Barcelona Alba Ayaa Sheegay In Uu Doonaayo Sii Joogista Kooxda Barcelona,Alba Oo Saxaafa La Hadlay Ayaa Sheegay “waxaan Doonayaa In aan Halkaan Sii Joogo Balse Mushaaraadka waa laga Ma Maarmaan”,Jordi alba Ayaa Rajo Ka Qabo In Mushaarkiisa La Gaarsiiyo Midka Ay Kooxda Barcelona Ka Qaataan Pique Iyo Basquets.

Barcelona oo Weli ku raad joogta Soo Qaadashada Morata:

Macalinka kooxda Barcelona ayaa sheegay in ay doonayaa soo qaadashada Alvaro Morata oo Ka Tirsan Kooxda Chelsea, Morata ayaa laga war qabaa in uu doonayo Ka Tagistqa Kooxda Chelsea(Sun)

Khedira Oo Ka Tagaayo Juventus Bisha Janaayo:

Qadka Dhexe ee Xulka Germany Ayay U Badan Tahay in uu gabi ahaanba Isaga Tagi Doono Kooxda Juva, Juva Ayaa Hishiis La Gaartay Shalay Ramsey Taasna waxay Soo Dadajin Doontaa bixitaanka Khedira.

Pep Guardiola oo iska diiday soo qaadashada Ruben Naves:

Macalinka Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in aysan kooxdooda 100-milyan ku soo iibsan doonin wiilka reer Portugal ee ka tirsan kooxda Wolves Ninka lagu magacaabo Ruben Naves oo 21-sano jir ah (Mirror)

Emry Oo Doonayaao In Ozile Bishaan Laga Diro Kooxdiisa:

Macalinka Kooxda Arsenal Unia Emry Ayaa Maamulka Kooxda kula Talinaayo in La Iibiyo Ozile kasoo Uu Sheegay In Uusan U Baahneen Ozile, Ozile ayaa ahaa xidig aan Muhiim Ahayn Tan Iyo Markii uu kooxda Arsenal Imaaday Unia Emry.

Monday's Mirror back page

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan