wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

0
312

Waraka Xanta ee BBC: Southgate, Morata, Higuain,, Coutinho,Diego Simeone, Kane, Ramsey, Hazard, Marouane Fellaini,  Frenkie de Jong iyo wararka ugu waaweyn ee xanta maanta la Qoraayo.

Manchester United oo Liiska Ku Darsatay Gareth Southgate:

Kooxda Kubada Cagta Ee Man United ayaa Qorsheeneysa inay u dhaqaaqaan soo xero gelinta macalinka xulka England Gareth Southgate oo ay doonayaan in ay ka dhigaan macalinkooda Ee Xagaaga Soo Aadan (Sunday Telegraph)

Diego Simeone oo ka soo Muuqday Liiska Macaliminta United ay dooneyso:

Macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone kasoo qandaraaska uu kooxda Reer Spain kula Jiro ay ka harsan 18-bilood oo qura ayaa ka mid ah Liiska Macalimiinta oo ay Doooneyso Kooxda United inay kooxdooda si Joogto Ah ugu magacaabaan (Sunday Mirror)

Tottenham Oo Shaaca ka qaaday Qiimaha Lagu Helaayo Kane:

Kooxda Tottenham ayaa u sheegtay kooxda doonaya Weeraryahanka reer England ee Harry Kane in lagu heli karo aduun lacageed gaaraya ilaa £310m  oo Bound, Real Madrid ayaa ah kooxda Ugu Badan ee Wiilkaan lala Xiriirinaayo  (Sun on Sunday)

Arsenal oo Shaacisay Lacagaha Lagu Helaayo Ramsey: 

Kooxda Arsenal Ayaa dhigeeda Juventus ku wargelisay hadii ay doonayaan Qaadashada Aaron Ramsey  Bisha Janaayo in ay ku heli karaan aduun Lacageed gaaraya £18m oo Gini, Balse Juvantus ayaa doneysa in ay Beeca Xorta Ah Ku Qaataan 28-sano Jirkaan  (Sunday Mirror)

Real Madrid Oo Diyaar u ah inay Halmar Soo Wada Qaataan Eriksen Iyo Hazard:

Kooxda Kubada Cagta Ee Real Madrid ayaa Xilli Ciyaareedka Soo Aadan Isku Diyaarineysa Qaabkii ay ku soo heli lahaayeen Hazard oo 28-sano jir ah kana tirsan kooxda Chelsea Iyo Christian Eriksen oo 26-sano Jir ah kana Tirsan Kooxda Tottenham (Sun on Sunday)

Tottenham Oo Diyaar u ah soo qaadashada Frenkie de Jong :

Kooxda Kubada Cagta Ee Spurs ayaa Diyaar u ah in ay kooxda Psg Kula Loolamaan Qaadashada Xidiga ka tirsan kooxda Ajex Frenkie de Jong  oo 21-sano Jir ah kasoo ay horay ugu dagaalamayeen kooxo Badan oo Ay Ka Mid Yihiin Barcelona Iyo Man City (Sunday Express).

Manchester United Oo Lumin doonta Kabtankooda:

Kabtanka koowaad ee Kooxda United Antonio Valencia oo 33-sano Jir ah ayaa Qarka u saaran ka tagista kooxda Man United asigoo Tix gelin doona Dalabka Kaga imaanaya kooxda Reer Italy Ee Inter Milan Oo Beeca Xorta ah ku dooneysa wiilka reer Ecuador (Sunday Mirror).

AC Milan oo Liiska Ku Darsatay Marouane Fellaini:

Ac Milan Ayaa Isku Diyaarineysa inay dalab ka Gudbiyaan wiilka Reer Belgium  Ee Qadka Dhexe kaga ciyaara kooxda Man United Marouane Fellaini Oo 31-sano jir ah  (Mail on Sunday)

Chelsea Oo Ku Soo Biirtay Loolanka loogu Jiro Adrien Rabiot:

Kooxda uu Hogaamiyo Sarri ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqaan soo qaadashada Da’yarka Paris St-Germain Qadka dhexe kaga ciyaara ee Adrien Rabiot kasoo kal hore lala xiriirinaaye kooxda Barcelona (L’Equipe – in French)

Juventus oo Chelsea ka diiday Dalab Kala Badalasho oo Ku Doonayaan Higuain:

Kooxda Juventus ayaa Iska Diiday dalab kaga imaaday Chelsea kasoo ahaa In La Is Dhaafsado xidigaha Kala Ah Gonzalo Higuain oo Ac Milan Amaah Ku Jooga Iyo  Alvaro Morata oo laga yaabo in uu isaga Tago Chelsea (Calciomercato)

Philippe Coutinho Oo Mustaqbalkiisa ka Hadlay:

Weeraryahanka Kooxda Barcelona Iyo Xulka Qaranka Brazil Philippe Coutinho Ayaa Iska Diiday Ku Biiritaanka kooxda United waxa uuna sheegay in aysan waxba ka Jirin wararka Sheegaya In Uu Ku Faraxsaneen Kooxda Barcelona  (Mundo Deportivo – in Spanish)

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan