UNITED ON FIRE: Red Devils Oo Ka Tallaabsatay Spurs Kulan Uu Dunida Ka Yaabsaday David Degea.

0
224

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si dirqi ah kaga baxsatay Tottenham Hotspur kulan uu Degea muujiyay awooddisa shabaq ilaalinta.

Spurs oo gool lagu hogaaminayay qaybtii hore ayaa marki la isku soo laabtay soo qaadday weerar aan kala joogisi lahayn walow ay dhaafi ayday Degea.

Xidigaha Kane, Dele Allie, Erikson, Toby Alderwiereld iyo Son ayaa dhammaantood qasaariyay fursado ay goolka barbaraha kusiin kareen kooxdoodda.

Goolhayaha heerka caalami ee reer Spain ayaana caawa k yaabiyay qof walba oo daawanayay kulankanka,  isaga oo sameeyay wax kabadan 5-badbaadin, isaga oo markale dunida tusay in uu wali yahay mid aan laga shakin kari  bandhiggiisa ciyaareed.

Kulanka ayaana kusuoo idlaaday 1-0 oo ay ku adkaatay United oo guul gaaraysay tan iyo markii kooxda loo dhiibay tababare Solskjaer .

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan