FT: Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay Eibar, xilli Messi rikoor weyn uu sameeyay!

0
176

Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaar xiiso badneyd oo u dhexeysay kooxaha Barcelona iyo Eibar.

Weeraryahannada Barca ee kala ah Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa guul u horseeday kooxdooda, iyadoo Suarez laba jeer shabaqa soo taabtay.

Daqiiqaddii 19-aad ee ciyaarta, weeraryahanka reer Uruguay ayaa billaabay bandhigga goolasha ee Blaugrana.

Waxaana natiijadaas ay ka dhigtay in qaybta hore lagu kala nasto 1-0 oo ay Barca hooggaanka ku heysay.

Markii dib la isugu soo laabtay, daqiiqaddii 53-aad ee ciyaarta, Lionel Messi ayaa dhaliyay goolka labaad ee Barcelona, waxaana uu dhaliyay goolkiisii 400-aad ee La Liga.

Daqiiqado ka dib, Suarez ayaa markale shabaqa u laabtay, soona xiray bandhigga goolasha ee kooxda Macallin Ernesto Valverde, daqiiqaddii 59-aad ayuu dhaliyay goolka saddexaad ee ciyaarta.

Natiijada kullanka ayaa kusoo idlaatay 3-0 oo ay Barcelona ku awood sheegatay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan