Dybala oo ka hadlay Ronaldo iyo Messi cida fiican muxuuse ka yiri Mbappe iyo Neymar.

0
326

 

 

Xidigo aad u yar misna fara ku tiris ayaa nasiib u yeesheen iney ka garab cayaaraan Messi iyo Ronaldo waxaana kamid ah xidigahaas nasiibka leh weeraryahanka kooxda Juventus iyo qaranka Argentina ee Paulo Dybala.

Weeraryahankaan reer Argentin ayaa ka hadlay kan ugu fiican aduunka iyo sidoo kale kulanka adag ee ay wajihi doonaan Atlatico Madrid wareega 16aad ee tartanka UCL.

Dybala oo ka jawaabaya midka fiican Messi iyo Ronaldo ayaa yiri “markasta waxaan dhahaa labadooda waa isku heer mana kala sareeyaan, Neymar asigana wuu wanaagsanyahay sidoo kale Mbappe inkastoo uu aad u yaryaha hadana waxaan kahor imaaday xiligii uu Monoco ka tirsanaa kadibna koobkii aduunka ayaan isku wajahnay hase yeeshee Messi iyo Ronaldo ayaa markasta no1 ahaan doonaan”

Asigoo ka hadlayay kulanka adag ee Atlatico Madrid v Juventus ayuu yiri “Atlatico waa kooxda ugu adag ee aad wajaheysid ayaga iyo Liverpool, waxaan nahay kuwa feejigan waana u diyaar garoobi doonaa”

25jirkaan ayaa dhaliyay 7 Goal 23 kulan uu cayaaray dhamaan kulamada sanadkaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan