Chelsea oo qorsheyneyso in daafac hore u laheyd dib ugu soo celiso garoonka Stamford Bridge.

0
278

 

 

Sida ay qorayaan wargeysyada England kasoo baxa naadiga Chelsea in ay isku dayi doonaan iney lasoo saxiixdaan daafacoodii hore ee Nathan Ake kaasoo had ka tirsan kooxda Bournemouth.

Sida uu qoray wargeyska The Sun daafacaan ayaa lagu tirinayaa liiska xidigaha uu doonayo tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizo Sarri inuu safka kooxdiisa ku xoojiyo.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in Blues ay daafacaan reer Holland ku heli karto qiimo dhan 40m oo Ginni.

Laacibkaan ayaa horay uga soo baxay akadamiga kooxda Chelsea wuxuuna kooxda koowaad ee Chelsea u cayaaray in mudo ah asigoo kadib amaah ugu biiray kooxaha Reading iyo Watford kahor intuusan 20m ugu biirin kooxda Bournemouth.

Daafacaan ayay isha ku hayaan kooxo badan oo EPL ka dhisan hase yeeshee Chelsea ayaa ugu dhaw maadaama heshiiskii ay ku iibiyeen uu ku jiray qodob sheegayo in hadii ay rabaan dib u soo iibsan karaan.

Waxaa xusid mudan in kooxaha Manchseter United, Manchester City iyo Tottenham ay ihtimaam u hayaan daafacaan 23 jirka ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan