10-xaqiiqo oo u gaar ah kulanka weyn Wembley ku dhex maraayo Tottenham v Man United:

0
180

 

Xaqiiqada 1-aad: Spurs ayaa markii ugu horeesay 3-kulan oo isku horyaal ah Man United ka guuleesan karto sidaas inay dhacdo waxaa ugu dambeesay 1960.

Xaqiiqada 2-aad: Man United 3-kulan ugu dambeesay oo ay garoonka Spurs booqatay waa laga badinaayay, halka 23-kulan ka horeesay oo ay guriga Spurs booqdeen 3-kulan kaliya laga badiyay (12-guul & 8-bar baro).

Xaqiiqada 3-aad: Spurs haddii ay guuleestaan 51-dhibcood ayay gaari doonaan waxayna u noqon doontaa markii ugu horeesay 22-kulan cayaaraan oo ay dhibcahaan la imaadaan darajadaan oo kale waxay ku gaareen hadda ka hor 24-kulan EPL marka ay cayaareen.

Xaqiiqada 4-aad: Man United waa kooxda kaliya ee 100% guulo heesato EPL laga soo bilaabo markii Ole Gunnar Solskjær shaqada kooxdan la wareegay.

Xaqiiqada 5-aad: Tottenham waxay wadaan taxane ahaan iskoor iyaga u gaar ah 25-kulan aysan wax bar baro ah galin (19-guul & 6-guul daro) kulamada horyaalka waxaana ugu dambeesay bar baro ay galaan 17 Apr 2017 kulan ay 1-1 la galeen Brighton.

Xaqiiqada 6-aad: Man United wax guul ah kama heesato kooxaha Top Six loo yaqaan 5-kulan ugu dambeesay oo ay la cayaareen EPL xili cayaareedkan waxaa laga badiyay 3-kulan halka 2-kulan bar baro la galeen.

Xaqiiqada 7-aad: Harry Kane ayaa markii ugu horeesay 7-kulan oo isku xigto Spurs gool u dhalin karo haddii uu shabaqa United gaaro.

Xaqiiqada 8-aad: Man United ayaa u suura gali karto markii ugu horeesay labo kulan isku xigto EPL inay shabaqa difaacdaan xili cayaareedkan haddii kulanka Spurs aan wax gool ah laga dhalinin.

Xaqiiqada 9-aad: Tottenham waxaa laga badiyay afar kulan oo ka mid ah 8-kulan ugu dambeesay oo ay Wembley kula cayaareen kooxaha Big Six-ka loo yaqaan.

Xaqiiqada 10-aad: Paul Pogba ayaa 4-gool dhaliyay sidoo kalena 3-gool caawinaad ka geestay tan iyo markii Mourinho laga racadeeyay United, waxaana ka saameyn badan Son Heung-Min oo kaliya kaasi oo 5-gool dhaliyay sidoo kalena 3-gool caawiyay isla mudadaas ma jiro cayaaryahan kale oo Pogba horyaalka kaga saameyn badan laga soo bilaabo 14 Dec 2018 ilaa haatan.

Dhamaad.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan