Toddobo heshiis oo illaa iyo hadda dhici kara!

1
443

Suuqa kala iibsiga ee bishan January ayaa horraan furmay, waxaana xusid mudan in heshiisyo qaar ay dhaceen.

Chelsea ayaa waxa ay lasoo wareegtay xiddigga Borussia Dortmund ee Christian Pulisic, inkastoo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan amaah kula joogi doono kooxda BVB.

Sidoo kale Cesc Fabregas ayaa Blues ka tagay, waxaana heshiis saddex sano iyo bar ah uu la galay kooxda Monaco ee dalka Faransiiska.

Bournemouth ayaa iyaduna waxa ay la saxiixatay xiddigihii Liverpool ee Nathaniel Clyne oo amaah ay ku qaateen iyo Dominic Solanke oo ay gacanta ku dhigeen si joogto ah.

Waxaa jira heshiisyo kale oo weli la sugayo inay dhacaan inta lagu gudo jiro bishan January.

Denis Suarez inuu ku biiro kooxda Arsenal

Labada koox ayaa weli heshiiskiisa isku fahmi la’, waxaana ay Gunners dooneysaa inay amaah ku qaadato inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, ka dibna ay joogto ka dhigaan heshiiskiisa marka uu dhammaado xilli ciyaareedka.

In Chelsea ay soo qaadato Higuain

Waa bartilmaameedka koowaad ee Maurizio Sarri, balse weli wax wada haddallo ah ma aysan yeellan kooxaha saddex-xagalka ah ee heshiiska ciyaaryahankan uu quseeyo, walow isaga uu aqbalay inuu ku biirro Chelsea.

Nicola Milinkovic inay ku guuleysato Manchester United

Xilligii Jose Mourinho illaa iyo hadda ayuu yahay mid ay United dooneyso, balse Fiorentina ayaanan dooneyn inay iibiso xiddiggan bartamaha xilli ciyaareedkan.

Bayern Munich inay gacanta ku dhigto Callum Hudson-Odoi

Bayern Munchen ayaa dadaallo badan u sameysay sidii ay kusoo qaadan lahayd, balse Chelsea ayaa ka caga jiideysa inay dhallinyaradan si sahal ah ku diraan.

Tammy Abraham inuu ku biirro Crystal Palace

Xiddiggan ayaa amaah kaga maqan Chelsea, waxaana Macallin Roy Hudgson kooxdiisa ay dooneysa inay si toos ah ula wareegaan isagoo hadda ka tirsan Aston Villa.

James McCarthy inuu ku biirro Bournemouth

Laacibkan ayaa baxsad ka ah Everton, waxaana si aad ah loola xiriirinaa kooxda Bouremouth

Nicola Barella inay Chelsea qaadato

Blues ayaa laacibkan u aragta beddelka Fabregas oo Monaco ku biirray, waxaana la filayaa in bishan gudaheeda ay dhammeytiraan heshiiska 21-jirkan

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan