Mauricio Pochettino “Sir Alex waa tababarihii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta wuxuuna ii ahaa tusaale”

0
275

 

 

Macalinka kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sheegay in macalinkii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Farguson uu yahay macalinkii ugu fiicnaa abid taariikhda soo maray.

Pochettino oo saxaafada la hadlaayay ayaa yiri “waa war aad u wanaagsan, aniga ahaan Farguson waa kubadda cagta, inaan aragno asoo ka howl galayana waa wax qurux badan”

Macalinka Spurs ayaa hadalka intaas ku daray “waan u hambalyeeyay markii uu jirada kasoo kacay, ma qarsan karo inaan asiga taageeere u ahay, aad ayaan u ixtiraamaa wuxuuna ii yahay tusaale weyn”

Pochettino ayaa markaas yiri “aniga ahaan waa tababarihii ugu fiicnaa taariikhda, inaan maalinkasta aragno asoo howl galaayana waa arin heer sare ah, asiga waa mowsicada kubadda cagta”

Wuxuu hadalka kusoo xiray “2016dii ayaan London ku kulanay waana wada casheynay tan iyo markaasna waxaan asiga la leeyahay xiriiri dabiici ah joogto ayaana u wada xiriirnaa”

Waxaa xusid muda in Pochettino lala xiriirinayo shaqada macalinimo ee kooxda Manchester United sii uu u noqdo macalinka badalka dheer ee kooxda United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan