Juventus Iyo Real Madrid Oo Xagaaga Soo Aaddan Is Dhaafsanaya Isco Iyo Paulo Dybala.

0
134

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay xagaaga soo aaddan is dhaafsanayaan xidigaha Paulo Dybala iyo Isco.

Sida ay baahisay Sportmediaset, Los Blancos ayaa is aad ah u xiisaynaysa weeraryhanka Bianconeri Paulo Dybala.

Dybala ayaa sidoo kale lala xiriirinayay ij uu u dhaqaaqayo Manchester United balse Real Madrid, ayaa u aragta saxiix muhiim ah xidigii hore ee Palermo.

Dhanka kale Juve ayaa doonaysa in ay gacanta ku dhigto xidiga aan ku faraxsaneen Santiago Bernabeu ee Isco, iyada Madrid ay usoo bandhigtay heshiis ay labada kooxood isku dhaafsanaya Dybala iyo Isco

Juve ayaana Dybala ku qiimaysa adduun dhan 100-malyan oo Euro,  halka Isco qandaraaskiisa lagu burburin karo 700-malyan oo Euro, inkasta oo warbaahinta talyaanigu ay sheegayso in lagu heli karo kaliya 80-Malyan oo Euro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan