EPL: Gogol dhigga, xaqiiqooyinka, xiddigaha kullanka ciyaari doona iyo xog walba oo ku saabsan kullanka Brighton vs Liverpool.

0
116

Kullamada Premier League ee maanta la ciyaari doono waxaa ka mid ah midka dhex mari doona kooxda Brighton and Hove Albion iyo Liverpool.

Waxa ay ciyaartan ka dhici doontaa Amex Stadium oo ay Brighton ku ciyaarto, saacadda geeska Africa marka ay gaarto 18:00 maqribnimo.

Reds waxa ay dooneysaa inay hooggaanka horyaalka sii dheerreystaan, iyadoo ay jirto musiib ku habsatay oo dhanka difaacyada ah.

Xiddigaha kullankan diyaarka u ah iyo kuwa maqan

Brighton ma qabto dhaawac cusub, iyadoo Jose Izquierdo uusan weli taam usoo noqonin inuu kooxdan kusoo laabto.

Mathew Ryan iyo Alireza Jahanbakhsh ayaa iyaguna ku maqnaan doona gudashada waajibaadka qaran ee tartanka Asian Cup.

Dhanka kooxda Macallin Jurgen Klopp waxaa weli ka maqnaan doona Adam Lallana, Alex Oxlade-Chamberlain, Dejan Lovren iyo Joseph Gomez.

Waxaa tababarka billaabay Joel Matip iyo Jordan Henderson, taasoo suurogal ka dhigeysa Matip uu ciyaartan diyaar u noqdo.

Safafka macquulka ah ee ay labada koox kusoo billaabi karaan

Brigton: Button; Bernardo, Duffy, Dunk, Montoya; Locadia, Propper, Stephens, March; Gross; Murray.

Liverpool: Alisson; Alexandre-Arnold, Fabinho, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Keita; Salah, Firmino, Mane.

Xaqiiqooyinka kullankan u gaarka ah

Brighton ayaa guuldarreysatay dhammaan lix kullan oo ay wajahday Liverpool tartamada oo dhan, waxaana ku jirta saddex ciyaar oo Premier League ah.

Liverpool wey kuma aysan soo guuldarreysan ciyaar ay booqdeen Brighton kullamada horyaalka, waxaana 5 kullan oo ay halkaas kusoo ciyaartay ay guuleysatay 2 jeer, 16 goolna waa ay kusoo dhalisay.

Liverpool waa ay guuleysatay dhammaan siddeeddii kullan ee ugu dambeysay ee ay ciyaartoyda billaabatay xilliga maqribka geeska Africa (3pm xilliga Ingiriiska), toddobo ka mid ahna farqi saddex gool ah ayay ku adkaadeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan