Juventus oo xiddig muhiim ah ku qamaareysa si ay Pogba dib ula soo saxiixdaan!

0
277

Doonista Manchester United ee Douglas Costa ayaa fure u noqoneysa Juventus si ay dib ula soo saxiixato Paul Pogba.

Ciyaarayahanka Faransiiska ah ayaa waxa uu bartilmaameed u yahay kooxda Juve, iyadoo si aad ah loola xiriiriyay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Pogba ayaa carrabka ku dhuftay inuusan ku faraxsanayn Old Trafford, waxaana taasi ay soo jeedisay dareenka Bianconeri.

Balse isku dayadii kooxda Macallin Max Allegri ayaa noqday kuwo aanan guuleysan, sidaas darteed, Tuttosport ayaa tibaaxaya in Juve ay hadda heysato fursad ay kula soo saxiixato xiddiggeedii hore.

United ayaa dooneysa saxiixa Douglas Costa, waxaana hadda Juventus ay diyaarineysa qorsho is dhaafsi ah oo ay ku kala qaadanayaan labada xiddig.

Kooxda reer Italy ayaa diyaar u ah inay €40m ay raaciyaan weeraryahanka reer Brazil, si ay Red Devils kaga dhaadhiciyaan saxiixa Paul Pogba.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan