West Ham Oo Niyad Jabisay Kooxaha Doonaya Marko Arnautovic.

0
195

Weeraryahankii hore Stoke City ayaa bilihii u dambeeyay lala xiriirnaya in uu isaga dhaqaaqayo kooxda West Ham United.

Marko Arnoutovic oo kamid ah ciyaartooyda u xirfadda wanaagsan Premier League, ayaa xiisa ka helayay qaar kamid ah kooxaha ugu awoodda badan EPL.

Manchester United, Chelsea  iyo Arsenal ayaa dhammaantood u hanqal taagayay helitaanka adeegga Arnoutovic.

Si kastaba ha ahaatee West Ham ayaa bayaan kooban oo ay soo saartay meesha kaga saartay in ay iibinayso Marko Aurnotovic.

“Marko waxa uu nagula jiraa qanadaraas, inaguna waxa aynu ka filaynaa in uu nagu sharafi doono. Isagu ma ahan iib.” Ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay kooxda kadhisan London.

Bayaankan ayaana niyad jabinaya kooxaha doonaya adeegga Arnoutovic, inkasta ooo weeraryahankani u muuqdo mid ku qanacsan London Stadium.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan