wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

0
508

Waraka Xanta ee BBC: Morata, Higuain, Kalidou Koulibaly, Aaron Ramsey, Liverpool,   Herrera, Chelsea, Nikola Milenkovic, Toby Alderweireld, Carrasco   iyo wararka ugu waaweyn ee xanta maanta la Qoraayo.

Aaron Ramsey Oo Ugu Dambeyn Hishiis u saxiixay Juva:

Aaron Ramsey oo 17-bishan Janaayo magaalada Turin imaanayo isaga iyo wakiilkiisa si uu Juve ugu saxiixo heshiis 5-sano ah oo ku kacaayo £36 million (€40m/$46m), 28-jirkan laga bilaabo 1 July 2019 ayuu noqon doonaa cayaaryahan Juve ka tirsan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Arsenal oo haatan lix bilood kaga harsan, Balse haatan kooxdii uu doono ayuu heshiis hordhac ah la gaari karaa wuxuuna heshiiskan la gaaray Juventus (Guardian)

Atletico Madrid oo ku soo biirtay loolanka Morata:

Atletico Madrid ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Alvaro Morata waxayna ku doonayaan amaah, Sevilla ayaa aad ugu dhaweyd inay amaah ku qaadato Morata balse heshiis wey wada gaari waayeen haatana Atletico ayaa weeraryahankan qaadan rabto (Goal).

Liverpool oo Amaah ku doneysa Xidig Ka Tirsan Burnley:

Liverpool ayaa amaah ku dooneyso daafaca naadiga Burnley James Tarkowski madaama dhibaato daafac Reds heesato (The Sun), Balse kooxda Burnley daafaceeda amaah kuma fasaxeyso waxayna ku rabtaa £50 million ($64m) inay ku helaan (Sun).

Chelsea oo hakisay qorshaha ay kusoo qaadan rabtay Gonzalo Higuain:

AC Milan waxay dalbatay €18m ay bixiyeen markii Higuain amaah kusoo qaadanayeen Chelsea dib ugu celiso ama €35m lacagaha Bakoyoko dul taalo Milan laga dhimo marka ay xagaagan toos u iibsaneyso, Sidoo kale Milan waxay dalbatay Morata amaah 18-bilood lagu siiyo oo ay bixiyaan €5m sidoo kalena gadaal ka dhiibaan €40m haddii uu anfaco, Juventus iyadana waxay Chelsea ka dalbatay €55m inay siiso haddii ay Higuain amaah kaga qaataan Milan madaama Juve milkiyadiisa iska leedahay (SportMediaset)

Arsenal ayaa dar dar galineyso inay heshiis la gaarto Hector Herrera oo 28-jir ah:

Hector Herrera oo FC Porto ka tirsan qandaraaskiisa wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan, Waxay Arsenal rabaan inay heshiis hordhac ah lasii gaaraan si uu Mexican-kan badal ugu noqdo Ramsey (Tutto Mercato Web).

Chelsea oo Dacweeneysa Bayar Munich:

Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea Ayaa FIFA  u Gudbin Doonta Dacwad ka dhan  kooxda Bayern Munich kadib markii ay kooxda reer Germany Si Ka Baxsan Xeerka wada xaajood ula furtay Callum Hudson-Odoi   (Mail)

Real Madrid oo diyaar u ah in ay united ku garaacaan Kalidou Koulibaly:

Real Madrid ayaa diyaar u ah soo qaadashada Kalidou Koulibaly oo ka tirsan kooxda Napoli kaso ay hore u dooneysay kooxda Man United oo iyana diyaar la ah 100 Milyan oo yuuro(Il Mattino, via Talksport)

United oo soo nooleyneesa xiisaheeda ku aadan Nikola Milenkovic:

kooxda Man United Ayaa Diyaar u ah inay dib u bilaabaan Qorshaha ay ku dooneyso Wiilka Daafaca ugu ciyaara kooxda Fiorentina Iyo Xulka Serbia ee Nikola Milenkovic oo 21-sano jir ah kasoo ay ka gaabiyeen doonistiisa tan iyo marki ay ceyriyeen Jose Mourinho oo aad ugu baahnaa daafacaan (ESPN)

Tottenham oo baado Gobeya badalka Toby Alderweireld:

Kooxda Kubada Cagta ee Tottenham Ayaa Diyaar u ah inay soo xero geliyaa xidiga reer Denmarka ee u ciyaara kooxda  Sampdoria ee lagu magacaabo Joachim Andersen oo 22-sano jir hadii uu kooxdooda ka tago daafaca reer Belgium ee Toby Alderweireld oo 29-sano jir ah  (Independent)

Suarez oo dalbaday in uu aado Arsenal:

Suarez ayaa u sheegay kooxdiisa Barcelona in uu doonaayo ku biiritaanka kooxda Arsenal oo diyaar u ah in ay siiyaan booska joogtada xidigaan (Mirror)

Manchester United oo Dooqa koowaad ka noqday Rashford:

Macalinka Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in xidiga reer England ee Rashford uu yahay dooqa koowaad ee weerarkiisa  (Star)

Unai Emery oo maamulka Arsenal U Sheegay Xiisaha uu qabo Carrasco:

Macalinka Arsenal Emry ayaa u sheegay kooxdiisa in uu aad ugu baahan yahay garabka duula ee reer Belgium Yannick Carrasco oo 24-sano jir ah kasoo ay ka soo qaadan doonaan Dalian Yifang  (Foot Mercato)

Sun back page on Thursday

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan