Ramsey Oo La Ogaaday Xiliga Uu Ku Biiraayo Juventus.

0
200

Ciyaariyahanka Kooxda Arsenal Ee Ramsey Ayaa La Sii Ogaanayaa Xilliga Rasmiga ah Ee uu Hishiiska Juventus La Galaayo Asigoo Lagu Wado In Si Hordhac ah uu Ula Hishiiyo Kooxda Marwada Duqda Lagu Naaneeso.

Aaron Ramsey ayaa 17-bishan Janaayo magaalada Turin imaanayo isaga iyo wakiilkiisa si uu Juve ugu saxiixo heshiis 5-sano ah oo ku kacaayo £36 million (€40m/$46m).

28-jirkan laga bilaabo 1 July 2019 ayuu noqon doonaa cayaaryahan Juve ka tirsan marka uu dhamaado qandaraaskiisa Arsenal oo haatan lix bilood kaga harsan.

Balse haatan kooxdii uu doono ayuu heshiis hordhac ah la gaari karaa wuxuuna heshiiskan la gaaray Juventus (Sky Sport Italia).

Kooxo Badan Ayaa ku Raad Joogay Qaadashada Xidigaan Asigoo Qeyb Ka Ah Xidigaha Beeca Xorta Ah Lagu Heli Karo Dhamaadka Xilli ciyaareedkaaan.

Xilli Hore ayuu iska Diiday in uu Hishiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Arsenal Waxa Uuna Ku Adkeesanayaa In Uu Isaga Tago Magaalada London.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan