Pep Guardiola oo sheegay in bilaabashada Ole Gunner Solskjear ka fiicantahay bilaabashadiisii

0
334

 

 

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa waxaa su’aal laga weydiiyay siduu u arko bilaabashada macalinka kumeel gaarka ee kooxda ay dariska yihiin Manchester United.

 

Pep Guardiola ayaa sheegay in Solskjear ka bilaabasho wanaagsanyahay markii loo fiiriyo qaabkii uu asiga ku bilaabay macalinimadiisii.

Pep ayaa yiri “bilaabashadiisa ayaa ka fiican teyda waayo aniga labadii kulan ee ugu horeysay aan ciyaaro midii koowaad waa la iga badiyay halka aan tii labaadna barbaro galay”

Pep oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “laakiin asiga wuu guuleystay dhamaan kulamadiisii ugu horeeyay”

Kadib Pep ayaa bilaabay inuu amaano tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunner Solskjear iyo falsafadiisaba wuxuuna yiri “asigu waa tababare dhalin yar, wuxuuna helay natiijooyin heer sare, waxaan daawaday daqiiqado kooban oo kulamadooda waxayna u ciyaareen qaab wanaagsan”

Waxaa xusid mudan in Solskjear uu wada badiyay 5tii kulan ee ugu horeeysay asigoo gabi ahaanba badalay falsafadii difaaca ku dhisneyd ee uu cayaari jiray macalinkii la ceyriyay ee Jose Mourinho wuxuuna kooxda dib ugu celiyay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay ee weerarka ahaa.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan