Ma dhab baa in De Jong uu heshiis la gaarray Barcelona?

0
296

Wargeyska Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo ayaa waxa uu ku warramayaa in Barcelona ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay laacibka kooxda Ajax ee Frenkie De Jong.

Cinwaanka bogga hore ee majaladda kasoo baxda Catalonia ayaa lagu daabacay halku dhig ah in De Jong uu yiri: “haa Barca”.

Warkan ayaa yimid xilli dhowaan maalmo ka hor ay soo if baxeen in xiddigyaraha Netherlands uu soo dhoweeyay ku biirista kooxda reer Spain, isla markaasna uu ka doorbidayo kooxda Paris Saint-Germain.

Waxaa harsan imminka inay wada hadal qaataan labada koox, iyadoo agaasimaha ciyaaraha kooxda Ajax ee Marc Overmars uu tilmaamay in 21-jirkan ay ku iibinayaan €75m.

Bishii aynu kasoo gudubnay, naadiga reer France ee PSG ayaa lagu soo warramayay inay diyaar la tahay qiimaha ay kooxda ka ciyaarta Eredivise-ka ku dooneysay iibka ciyaaryahankan.

De Jong ayaa ah midka loogu doonista badanyahay suuqa kala iibsiga xilligan, iyadoo PSG, Manchester City, Real Madrid iyo Juventus ay dhammaantood doonayaan.

Balse ciyaaryahankan ayaa hadda kusii dhowaanaya Barcelona, waxaana xusid mudan in horraan uusoo bandhigay jaceylka uu u qabo u ciyaarista Blaugrana.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan