Kyle Walker oo ku faannay inuu ka wanaagsanyahay Messi iyo Ronaldo! Sheeko qosol leh!

0
358

Difaaca kooxda Manchester City ee Kyle Walker ayaa u muuqda mid soo af jaray dooddii aan dhammaadka yeellan weli ee u dhexeysay cidda wanaagsan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Walker ayaa tilmaamay in hadda uu ka wanaagsanyahay weeraryahannada xilligan ugu awoodda badan kubadda cagta ee Messi iyo Ronaldo.

Waxa uu kusoo gabagabeeyay xifaaltankooda inuu isaga uu yahay mid labadaba ka wanaagsan hadda.

Xiddigga England ayaa bartiisa Instagram-ka soo geliyay sawirka darbadii uu ka dhaliyay Burton Albion kullankii xalay ee Semi-Final-ka Carabao Cup.

Sawirka waxa uu soo raaciyay qoraal u dhigan sidan:-

Goolasha 2019:

Walker: 1

Ronaldo: 0

Goolasha Carabao Cup:

Walker: 1

Messi: 0.

Difaaca Man City oo goolkiisii labaad ee xilli ciyaareedkan dhaliyay ayaa waxa uu ahaa mid kaftan usoo geliyay qoraalkan iyo sawirka, maadaama 2019 oo 9 maalin socday uu gool dhaliyay, iyadoo Ronaldo uusan dhalinin wax goolka sida uu sanadkan cusub ugu dhashay halkan.

Sidoo kalena Lionel Messi ayaanan ebid ka dhalinin gool tartanka Carabao Cup, ma uusan ciyaarinee.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan