Tababare Santiago Solari Oo Ka Hadlay Xaaladda Xidigaha Juventus Iyo Man City Wada Doonayaan Ee Isco Iyo Mercelo.

0
309

Tababaraha Real Madrid Santiago Solari aya la hadlay saxaafadda kahor kulanka ay barri kooxdiisu kahortagayso Espanyol.

Tababaraha reer Argentine ayaana ka hadlay mustaqbalka xidigaha ay wada doonayaan City iyo Juventus ee Mercelo iyo Isco.

“Mercelo waxa uu seddex dhaawac ka qabaa muruqa, isaga uma ahan wax fudud. Waaa soo kabanayaa isagu waxa uu inoo yahay ciyaaryahan muhiim ah.”ayuu yiri tababare Solari.

Dhanka kale tababaraha Real Madrid ayaa ka hadlay mustaqbalka xidiga aan ku faraxasanen garoonka Santiago Bernabeu ee Isco.

“Waxa uu ka ciyaari karaa qayb kasta oo garoonka kamid ah, baasaska cajiibka ah waa mid kamid ah tayayooyinkiisa ugu wanaagsan.

Isco ayaa qanadaraaskiisa lagu burburin karaa adduun lacageed dhan 700-malyan oo Euro. Wararka ka imaanaya Spain ayaana sheegaya i  xidigani uu isaga dhaqaaqi doono Madrid haddii uusan boos joogta ah kahelin xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan