Mucjisadii Istanbul oo dib loo daawan doono, Gattuso, Kaka, Piro iyo Dida oo wajahaya Carragher, Dudek, Smicer iyo Garcia!

0
306

Hey’adda sadaqa bixinta kooxda Liverpool ee Liverpool FC Foundation ayaa ku dhowaaqday in ay Anfield kusoo dhoweynayaan halyeeyada kooxda AC Milan ee Milan Glorie kullanka saddexaad ee halyeeyada hey’adda LFC Foundation bisha March ee soo aaddan.

Labada naadi ayaa lagu xasuustaa laba Final oo taariikhda tartanka horyaallada Europe galay, waxaana ay kala ahaayeen dhacdooyinkii Istanbul 2005 iyo Athens 2007, iyadoo markale labadan naadi ciyaartoydii xilligaas u ciyaarayay qaarkood ay is fara saari doonaan 23-ka March 2019 3pm xilliga UK.

Xiddigaha la xusay ee qaybta ka ah kullankaas waxaa ka mid ah Jamie Carragher, Jerzy Dudek, Djibril Cissé, Vladimir Smicer iyo Luis García, halka Milan ay u ciyaari doonaan Ricardo Kaká, Andrea Pirlo, Dida, Massimo Ambrosini iyo Gennaro Gattuso.

Safiirka Liverpool FC ee Robbie Fowler ayaa Captain u noqon doono kooxda Reds, waxaana ay rajeynayaan inay guul kale oo taariikh ah ka gaaraan Roseneri oo uu hooggaamin doono Captain Paolo Maldini.

Gooldhaliyaha ugu sarreeya ee Liverpool, Ian Rush ayaa noqon doono tababare iyo ciyaaryahan, waxaana uu kor kala socon doonaa xiddigihii hore ee naadigan Patrik Berger, Steve McManaman iyo Jason McAteer

Massimo Oddo, Alessandro Costacurta, Serginho iyo Goolhaye  Christian Abbiati ayaa dhammaantood kasoo muuqan doonaan kullanka weyn.

Ticket-yada kullankan waxaa lagu iibin doona £22 dadka waaweyn, £5 waxaa laga siin doonaa caruurta yar, halka £15 ay ku iibsan doonaan dadka da’doodu ka weyntahay 65 sano.

Waxaa Ticket-yada iibin doona kooxda iibisa Ticket-yada xilli ciyaareedka, xubanaha LFC, waxaana iibintu ay billaabatay manta 11am xilliga UK.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan