Ku biirritaanka Hazard ee Real Madrid oo dhibaato ku noqonaya kooxda, sababtiisana ku weyneysa laba ciyaaryahan.!

0
364
File photo dated 10-03-2018 of Chelsea's Eden Hazard.

Naadiga Real Madrid ayaa dadaal adag u galeysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd xiddigga kooxda Chelsea ee Eden Hazard, kaasoo heshiis hordhac ah la gaarray naadiga reer Spain.

Waxaa shalay soo if baxday in labada dhinac ay isku afgarteen inuu xagaaga dambe Bernabeu ku biirro, balse Los Blancos ayaa u baahan inay la xaajooto kooxdiisa Chelsea.

Blues ayaa la fahansanyahay inay xiddiggan lacago badan madaxiisa dul saarrayso, balse Real Madrid ayaa diyaar u ah inay qiimahaas mid ka hooseeya ay ku iibsadaan.

Madrid waxa ay dooneysaa inay isticmaasho xiddigaheeda kala ah Mateo Kovacic oo hadda amaah ugu ciyaara Chelsea iyo Marco Asensio.

Kovacic ayaa si aad ah usoo jiitay Macallin Maurizio Sarri, halka kooxda ka dhisan galbeedka London qudheeda ay ka fikireyso inay joogto ka dhigo heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo hadda illaa inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Waxaa intaas usii dheer inay Real Madrid kusii qamaareyso Asensio oo xilli ciyaareedkan hoos u dhac badan uu soo food saarray, waxaana kooxda ugu guulaha badan qaaradda Europe ay diyaar u tahay inay €100m ay qayb kasii dhigto si ay Hazard ula soo saxiixato.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan