Kooxda toddobaadka ugu wanaagsan horyaalka Premier League oo lagu dhawaaqay xilli Chelsea iyo Manchester United ay ciyaartoy ku leeyihiin.

0
441

Tan iyo November 2010, ma aysan dhicin toddobaad ay dhammaan kooxaha Premier League ku guuldarreysteen inay shabaqooda difaacdaan, balse ciyaarihii talaado iyo arbaco ee xalay iyo habeen hore la ciyaarray, ma jirin koox shabaqeeda difaacatay.

Dhammaan 20-ka koox ee ciyaaraya horyaalka Ingiriiska ayaa goolal dhaliyay, waxaana jirta in safkan laga sameeyay kullamadii ugu dambeeyay ee 15-aad.

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa hal ciyaaryahan ku leh, halka Manchester United ay iyadane xiddig ku leedahay.

Shan ka mid ah lixda koox ee ugu waaweyn horyaalka ayaa min hal ciyaaryahan ku leh, keliya Arsenal ayaa safkan ka qadday.

shax ka sameysan 3-2-3-2 ayaa lagu dhisay kooxdan

Goolhaye: Alisson (Liverpool)

Difaac dhexe: Fabian Schar (Newcastle)

Difaac dhexe: Leon Balogun (Brighton)

Difaac dhexe: Nathan Ake (Bournemouth)

Khadka dhexe: Ander Herrera (Manchester United)

Khadka dhexe: Ruben Loftus-Cheek (Chelsea)

Garab Midig: Riyad Mahrez (Manchester City)

Khadka dhexe-weerar: James Maddison (Leicester)

Garab Bidix: Morgan Gibbs-White (Wolves)

Weerar dhexe: Lucas Perez (West Ham)

Weerar dhexe: Harry Kane (Tottenham)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan