Daawo muuqaal qosol badan: Werriye Italian ah oo isku dayay Bakayoko in English uu ku warreyso iyo qosolka ka dhacay!

0
319

Ka dib markii ay idlaatay ciyaartii u dhaxeysay kooxaha AC Milan iyo Parma, waxaa Milan TV werriyaheeda Mauro Suma uu warreysi la yeeshay laacibka kooxda Milan ee Tiémoué Bakayoko.

Xiddigga reer France ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kusoo laabtay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee xilligii Monaco isagoo xubin muhiim ah ka noqday safka kooxda Macallin Genaro Gattuso.

Bakayoko ayaa ka mid ahaa fureyaashii u sahlay inay Milan ay guul ka gaarto kooxda Parma toddobaadkan horraantiisii.

Markii ay dhammaatay ciyaartii ayaa waxa uu usoo gudbay studio-ha Tv-ga Milan, waxaana warreysi la yeeshay Mauro Suma.

Werriyaha ayaa isku dayay inuu luuqadda English-ka ku warreysto xiddigga reer France, balse wixii dhex maray waxa ay ahaayeen wax maad leh.

Bal daawo muuqaalka laga soo duubay warreysigii werriye Samu iyo laacibka Milan ee Tiémoué Bakayoko

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan