Zlatan Ibrahimovic Oo Qarka U Saaran In Uu Iska Diido Kubiirtaanka AC Milan, Iyo Sababta Ka Danbaysa.

0
223

Sida laga soo xiganayo warsidaha reer Sweden ee Expressen, Zlatan Ibrahimovic ayaan u dhaqaaqi doonin AC Milan, isaga oo taa baddalkeeda sii joogi doona LA Galaxy.

Expressen ayaa intaas kudaraysa in xaaska Ibrahimovic iyo labadiisa cunug ay ku faraxsanyihiin America, iyaga oo aan doonayn in ay dib ugu laabtaan Europe.

Milan ayaa si wayn loola xiriirinayay in ay lasoo wareegayso Ibrahimovic, iyada oo ay u muuqatay in weeraryahanka reer Sweden uu markale dib u xiranayo maaliyadda Rossoneri.

Si kastaba ha ahaatee, rajo walba oo ay Milan ka qabtay helitaanka Zlatan ayaa u muuqata mid soo idlaatay.

LA Galaxy ayaana sii haysan doonta weeraryahankeeda waayo aragga ah, kaas oo maalmihii u dambeeyay lala xiriirinayay i  ka dhaqaaqayo Major League Soccer.

Kooxda reer America ayayna waajib ku noqon doontaa in ay sara u qaaddo mushaarka Weeraryahankan horay ugu soo ciyaaray Manchester United, Barcelona, Ajax, PSG iyo AC Milan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan