Safka ugu fiican Serie A xilli ciyaareedkii hore oo lagu dhawaaqay xilli afar ciyaaryahan oo Juventus ay kasoo muuqdeen.

0
432

Afar ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa kasoo muuqday safka kooxda ugu wanaagsan horyaalka Serie xilli ciyaareedkii 2017-18.

Waxaa sidoo kale safka ku jira laba ciyaaryahan oo ka tirsan Lazio, laba ka tirsan Roma iyo xiddigo kale oo u ciyaara Napoli iyo Inter Milan.

Safkan waxaa codeeyay AIC oo ah ururka ciyaartoyda Italy, waxaana loogaga dhawaaqay xafladdii xalay ee Gran Gala del Calcio.

Joao Cancelo oo xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kooxda Inter Milan ayaa safkan qayb ka ah, balse kuma tirsana xiddigaha Juventus, iyadoo Giorgio Chiellini, Alex Sandro, Miralem Pjanic iyo Paulo Dybala ay yihiin kuwo lagu soo xulay bandhiggooda Bianconeri.

Kooxda Napoli ayaa safkan hal ciyaaryahan ku leh, waana xiddigga lagu magacaabo Kalidou Koulibaly, kaasoo difaaca dhexe kaga ciyaara Naples iyo qaranka Senegal.

Weeraryahannada ku guuleystay gool dhalinta Serie A ee Capocannoniere, Mauro Icardi iyo Ciro Immobile ayaa safkan si wada jir ah uga soo muuqday.

Sergej Milinkovic-Savic ayaa isna khadka dhexe kasoo muuqday, waxaana uu wacdaro ka sameeyay Lazio.

Taageerayaasha AS Roma ayaa waxa ay aad uga xunyihiin labada xiddig ee ay safkan ku leeyihiin in kooxda laga iibiyay, waana goolhaye Alisson Becker oo Liverpool u dhaqaaqay iyo Radja Nainggolan oo Inter ku biirray.

Haddaba safka kooxda oo dhammeystiran

Kooxda Serie A ee 2018: Alisson (Roma); Cancelo (Inter), Koulibaly (Napoli), Chiellini (Juventus), Alex Sandro (Juventus); Pjanic (Juventus), Milinkovic-Savic (Lazio), Nainggolan (Roma); Dybala (Juventus); Icardi (Inter), Immobile (Lazio)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan