Real Madrid oo ku dhow dhammeystirka saxiixa beddelka Modric iyo Manchester United oo niyad jab kala kulmeysa qorshahaas!

0
681

Ku guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or ee Luka Modric ayaa hoosta ka xarriiqay inuu xirfaddiisa kusoo gabagabeyn doono kooxda Real Madrid, balse taas kama dhigna inay kooxda baadi goob u geli doonin beddelkiisa.

Modric hadda waa 33-jir ah, waxaana uu kusii siqayaa dhallintii uu uga bixi lahaa ciyaarista kubadda cagta, waxaana Los Blancos ay durba billawday inay ka fikirto sidii ay ku keenni lahayd beddelkiisa.

Sida uu daabacayo warsidaha Spain kasoo baxa ee Don Balon, laacibka khadka dhexe kaga ciyaarra kooxda River Plate ee Exequiel Palacios ayaa ah xiddigga kooxda reer Spain ay u doorratay inay ka dhigto beddelka maskaxda Croatia.

20-jirkan ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay lugtii hore ee kama dambeysta Copa Libertadores, isagoo door muhiim ah ciyaartii 2-2 ku dhammaatay ku yeeshay.

Naadiga ka dhisan dalka England ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay kullankaas u direen wakiillo usoo daawada tayada xiddiggan, balse waxa ay hadda u muuqataa in Palacios uu kusii siqayo ku biirista Real Madrid.

Madaxweynaha Los Blancos ee Florentino Perez ayaa soo gabagabeeyay heshiiska ciyaaryahankan, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku biiri doono kooxda Bernabeu ka dhisan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan