Mesut Ozil oo looga gacan haatinayo Serie A, iyo kooxaha doonaya.

0
318

Kubbad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa xiiso badan ka helaya horyaalka Serie A, halkaas oo ay kooxo badan ka xiiseynayaan.

Naadiga Inter Milan ayaa ah kooxda laacibkan u muujineysa xiisaha ugu badan, ka di b markii laacibkan uu ka mid noqon waayay xiddigaha uu Macallin Unai Emery ku xisaabtamo, wallow laga sheegayo dhaawac dhanka dhabarka ah.

Ozil waxa uu ahaa mid door joogto ah kaga ciyaara Gunners tan iyo markii uu 2013 kaga soo biirray kooxda Real Madrid, hase ahaatee, waxa uu hadda u muuqdaa mid sii luminaya booskiisa.

Laacibka isaga fariistay ciyaaraha heerka qaran ee dalka Germany ayaanan dhowaanahan ka mid noqon safka koowaad ee kooxda, waxaana uu ka fikiri doonaa sidii uu u heli lahaa kullamo joogto ah.

Jariiradda kasoo baxda Ingiriiska ee The Sun ayaa laga soo xiganayaa in Inter ay tahay halka laacibkan uu ka dhigan karo bardhammaadkiisa xigta.

Nerazzuri ayaa lagu soo warramayaa in muddo fog ay laacibkii hore ee Madrid xiiso u hayeen, xittaa ka hor inta uusan bishii January ee sanadkan bilawgiisii uusan saxiixin heshiiska uu hadda kula jiro kooxda ka dhisan wuqooyiga London.

Ilo ku dhow 30-jirkan ayaa ku warramaya in laacibkan uu Emirates kasii ciyaari doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, balse xagaaga ay macquul tahay inuu ka hayaamo kooxda Arsenal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan