Manchester United oo qiimo rikoor ah kusoo qaadanaysa mid ka mid ah halbowlayaasha qaranka England!

0
555

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa waxa ay beddelka David De Gea u aragtaa laacibka kooxda Everton goolka u qabta ee Jordan Pickford.

De Gea ayaa ka dhega adeegaya in heshiis cusub uu u saxiixo United, walow kooxdiisa ay hal sano ku kordhisay qandaraaskiisa.

Sidaas darteed, iyadoo maanka ku heysa in goolhayaheeda uusan mustaqbal dheer ku lahayn Old Trafford, ayaa waxa ay bartilmaameedkeeda koowaad ka dhiganeysaa xiddigga Everton ee Pickford.

Goolahayaha qaranka England ayaa dunida is baray intii uu socday Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Russia, xilligaas oo uu xulkiisa saddexda libaax ka saaciday inay gaaraan wareegga afar-dhammaadka ee Koobka Adduunka.

Majaladda kasoo baxda gudaha England ee Express ayaa werrineysa in United ay diyaarineyso qorsho ay maal badan ugu hureyso soo iibsashadiisa, si ay kaga dhigaan beddelka De Gea haddii uu kooxda ka dhaqaaqo.

Kepa Arrizabalaga ayaa hadda ah goolhayaha ugu qaalisan dunida kubadda cagta, waxaana Chelsea ay xagaagii kusoo qaadatay £72m,

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan