Madaxweyne Perez oo ka hadlay Modric, Ronaldo iyo Ballon d’Or! Muxuu ka yiri CR7?

0
435

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa ka hadlay abaalmarinta Ballon d’Or ka dib markii laacibka kooxdiisa ee Luka Modric uu abaalmarintanm hantay.

Madaxweyne Perez ayaa saxaafadda la hadlay ka dib xafladda, waxaana uu lumiyay bandhigga Cristiano Ronaldo iyo inuu ka fiicanyahay Luka Modric xittaa haddii uusan abaalmarin helin.

Weeraryahanka Juventus ayaa xalay ka maqnaa xafladdii lagu caleemo saarray Luka Modric, isna loogu codeeyay inuu yahay midka labaad ee ugu fiican 2018.

“Qof walba waxa uu leeyahay Ronaldo ayaa ah weli midka wanaagsan balse aniga waxa ay ila tahay in Modric uu u qalmay inuu ku guuleysto sanad ciyaareedkan” ayuu yiri madaxweynaha Los Blancos.

“Waxa uu sameeyay wax cajiib ah, waxa uu ahaa mid wax go’aamiya lago billaabo horraantii sanadka illaa dhammaadka.

“Modric waxa uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka sanadihii u dambeeyay. Markii aan lasoo saxiixanaynay 2012 ayaan ogeyn inuu leeyahay awood uu ugu guuleysan karo Ballon d’Or” ayuu ku hadaaqay Perez.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan