Ka dib Modric, wax ka ogow xiddigaha Ballon d’Or ku guuleystay ee qarnigan u ciyaarray kooxda Real Madrid

0
272

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa xilka madaxweyne ee kooxdan la wareegay sanaddii 2000, waxaana xagaagaas uu lasoo saxiixday Luis Figo, kaasoo sanaddaas ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.

Guud ahaan, siddeed ciyaaryahan oo kala duwan kuwaas oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa xirtay maaliyadda Real Madrid inta lagu gudo jiro qarniga 21-aad.

Luka Modric waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ku guuleystay abaalmarintan, ka dib Cristiano Ronaldo oo afar ka mid ah shantiisa Ballon d’Or ku qaaday caasimadda Spain.

Waxaa kasii horreeyay Ronaldo Nazario iyo Fabio Cannavaro oo abaal marintan ku guuleystay iyagoo u ciyaaraya Real Madrid sanadahii 2002 iyo 2006.

Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy abaalmarintan horay ugu guuleystay ka hor inta aysan soo caga dhigan Bernabeu Stadium, waxaana ay yihiin Zinedine Zidane, Michael Owen iyo Kaka.

Zidane ayaa ku guuleystay Ballon d’Or 1998 isagoo ka tirsan kooxda Juventus, waxaana uu Real Madrid ku biirray 2001.

Owen ayaa isna 2001 shanta farood ku dhigay isagoo u ciyaaraya kooxda Liverpool, waxaana Spain uu u wareegay 2004.

Sanaddii 2007, waxaa kubbada dahabka ku guuleystay Kaka oo Milan u ciyaarayay xilligaas, waxaana xagaagii 2009 uu ku biirray Real Madrid, isla xagaagaas, waxaa kusoo biirray Cristiano Ronaldo oo 2008 ku guuleystay abaalmarintaas isagoo Manchester United ka tirsan.

Keliya afar ciyaaryahan oo aanan u ciyaarrin Real Madrid ayaa qarnigan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, waxaana ay kala yihiin Pavel Nedved, Andriy Shevchenko, Ronaldinho iyo Lionel Messi.

Haddii gudaha iyo qarnigaan ka hor loo dhaadhacana Alfredo Di Stefano iyo Raymond Kopa ayaa abaalmarintan ku guuleystay iyagoo u ciyaarraya Real Madrid.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan