Arsenal iyo xulka England oo dhibaato soo gaartay madaama Jordan Nobbs dhaawac halis ah soo gaaray.

0
590

Kooxda Arsenal iyo xulka England waxaa qasaaro weyn ku ah in Jordan Nobbs dhaawac dhalis ah dhanka jilibka kasoo gaartay kulankii hablaha Arsenal 4-0 kaga badiyeen Everton.

Jordan Nobbs oo 25-jir ah waxay garoomada ka maqnaan doontaa mudo lix bilood ah ugu yaraan madaama jilibka qaliin looga sameenayo waxayna seegi doontaa inta xili cayaareedkan ka harsan iyo sidoo kalena koobka aduunka 2019 hablaha ee France marti galinayaan.

Gabadhaan 56-kulan xulka England u cayaartay ayaa aad uga xun dhaawaceeda inuu kusoo aaday xili dhacdada weyn hablaha koobka aduunka xagaaga dambe lagu balansan yahay sidoo kalena aysan Ingiriiska caawin karin madaama ugu yaraan lix bilood ay garoomada ka maqnaan doonto.

Tababaraha xulka Ingiriiska ee gabdhaha Phil Neville ayaa soo kabasho deg deg u rajeeyay Nobbs inkastoo uu sheegay in xulkiisa siweyn u tabi doonaan gabadhan khadka dhexe ka cayaarto.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan