Safka rasmiga ah ee qaranka Spain ee kullamada soo aaddan oo lasoo saaray xilli Jordi Alba uu kusoo laabtay, iyo Luis Enrique oo sharraxay sababta uu ugu yeerray!

0
1659

Xulka qaranka dalka Spain ayaa markii ugu horreysay dib looga yeerray Jordi Alba oo aan u safan xulka Spain tan iyo markii uu xulkan macallin u noqday Luis Enrique.

Waxaa si aad ah la isula dhex qaaday in Alba uusan dookh u ahayn Enrique tan iyo bilihii ugu dmabeeyay ee macallinkan ka arriminayay Barcelona.

Difaaca Barcelona ayaa beddel u noqonaya Marcos Alonso oo safkan aan lagu soo darin, waxaana sidoo kale safka Spain markii ugu horreysay loogaga yeerray Difaaca kooxda Real Sociedad Diego Llorente iyo xiddigga kooxda Espanyol ee Mario Hermoso.

Safka oo dhammeystiran

 Pau, De Gea, Kepa; Otto, Azpilicueta, Diego Llorente, Ramos, Hermoso, Inigo, Gaya, Alba; Sergi Roberto, Ceballos, Brais, Rodri, Busquets, Fornals, Saul; Suso, Rodrigo, Aspas, Morata, Asensio, Isco

Dhanka kale macallinka xulka La Roja ayaa guud ahaan gaashaanka u daruurray in xiriir aan wanaagsanayn uu la leeyahay Jordi Alba.

Hase ahaatee, waxa uu tilmaamay inay doorashadiisa ku xirantahay, isla markaasna uu inta badan ku cabiro marxaladda ay xiddigaha ku jiraan xilligaas iyo sida ay ula jaanqaadi karaan xiddigaha kale ee xulka.

Waxaana uu intaas raaciyay in la joogo xilligii Alba uu mudnaa in qaranka Spain lagu soo daro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan