Safafka macquulka ah ee ay isticmaali karaan Arsenal, Chelsea iyo AC Milan kullamada ay caawa kala ciyaari doonaan.

0
1089

Chelsea ayaa caawa booqaneysa kooxda BATE Borisov oo ay la ciyaari doonto kullankeeda afraad ee Group-ka L, tartan UEFA Europa League-ga.

Haddaba Chelsea caawa waxaa ugu soo billaaban kara:

Kepa Arrizabalaga; Zappacosta, Cahil, Christansen, Emerson; Lofts-Cheek, Jorginho, Kovacic; Pedro, Willian, Giroud.

Waxaa ka maqan: David Luiz, Antonio Rudiger, Marcos Alonso, Alvaro Morata oo la fasaxay dhammaantooda.

Shaki: Cesc Fabregas, Ethan Ampadu iyo Olivier Giroud.

Arsenal ayaa dhanka kale waxa ay caawa soo dhoweyneysaa Sporting CP kullan ka tirsan Group E ee tartanka UEFA Europa League-ga.

Arsenal waxaa ugu soo billaaban kara:

Cech; Bellerine, Mustafi, Holding, Kolasinac; Guendouzi, Xhaka; Iwobi, Ramsey, Welbeck, Aubameyang.

Waxaa maqan: Mohamed Elneny, Laurent Koscinely

Shaki: Nacho Monreal, Sokratis, Ainsley Maitland-Niles.

AC Milan ayaa iyadane la ciyaareysa kooxda Real Betis oo ay dooneyso inay ka aargudato, maadaama naadiga reer Spain ay San Siro guul kusoo gaartay kullanka wejigiisii hore.

Milan waxaa ugu soo billaaban kara:

Reina; Abate, Musacchio, Ramagnoli, Laxalt; Bakayoko, Montolivo, Bonaventura; Suso, Cutrone, Borini.

Waxaa ka maqan: Ivan Strinic, Gonzalo Higuain,Lucas Biglia,Mattia Caldara oo dhaawacyo qabaan iyo Samu Castillejo oo ganaaxan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan