RASMI: Safka Portugal u matalaya kullanka Italy oo lasoo saaray. Miyuu ku jiraa Ronaldo?

0
754

Inkastoo wararka ay markii hore sheegayeen in laacibka lagu magacaabo Cristiano Ronaldo uu ka mid noqon doono safka xulka qaranka Portugal ee la ciyaari doona Italy, Haddase waa laga waayay oo loo ma soo magacaabin.

Xulka Taliyaaniga ayaa ay qasab ku tahay inay garaacaan Portuguese-ka, si ay kaga mid noqdaan xulalka ugu sarreeya Group-yada League A ee tartanka UEFA Nations League-ga.

Waxaa dhowaanahan si aad ah loo hadal hayay in laacibka Juventus uu diyaar u yahay inuu wajaho Azzuri, hase ahaatee, Macallin Fernando Santos ayaa go’aansaday inuusan e yeerrin.

Difaaca Juventus ee Joao Cancelo ayaa safkan ku jira, waxaana sidoo kale qayb ka ah Mario Rui oo Napoli ka tirsan iyo xiddigga Inter Milan ee Joao Mario.

Haddaba xulka qaranka Portugal ayaa la kala ciyaari doona xulalka Poland iyo Italy, waxaana safka oo dhammeystiran uu yahay sidan:

Goolhayeyaal: Rui Patricio, Beto, Claudio Ramos

Difaacyo: Cedric Soares, Joao Cancelo, Jose Fonte, Luis Neto, Pepe, Ruben Dias, Mario Rui, Raphael Guerreiro

Khadka dhexe: André Gomes, Bruno Fernandes, Danilo Pereira, Joao Mario, Pizzi, Renato Sanches, Ruben Neves, William Carvalho

Weeraryahanno: Bernardo Silva, Bruma, Gonçalo Guedes, Rafa, André Silva, Eder

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan